3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Guddiyada doorashada guddoonka labada Aqal oo shahaadada Musharaxnimo Maanta siiyay Musharaxiin dhowr ah
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa Maanta guddoonsiiyay shahaadada Musharaxnimo ee guddonka Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo ka mid ah musharaxinta isku soo taagtay qabashada xilka guddoonka Aqalka hoose.

Waxaa sidoo kale shahaadada Msharaxnimo la guddoonsiiyay Maxamed Cumar Caananuug oo isna sheegay inuu doonayo inuu u tartamo xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa dhankooda Maanta Shahaadada Musharaxnimo guddoonsiiyay Senator Saalax Axmed Jaamac oo u tartamaya qabashada xilka guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare, iyadoo Senatar Cabdixakiin Macalin Axmed oo u tartamaya qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare isna uu qaatay shahaadada Murashaxnimo ee Golaha Aqalka Sare,

Waxaa sidoo kale shahaadada Musharaxnimo ee xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare qaatay musharaxiinta kala ah Senatar Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) iyo Senatar Ilyaas Baddel Gabboose kuwaas oo u taagan u tartamida xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare

Guddiyada labada aqal ayaana wali wada diiwaan gelinta iyo shahaado siinta xubnaha doonaya iney  tartamaan hogaanka labada aqal iyo ku xigeenadooda.

Is diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku eg 22-ka bishaan oo ku beegan maalint Jimcaha, waxaana doorashada guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Golaha Shacabka lagu wadaa in ay dhacdo 27-ka bishaan April 2022.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/19/2022 4:56 PM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Waddani Cahdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqday dad tiradooda lagu sheegay 60 qof, oo laga soo xidhay deegaan dahab laga helay oo kamid ah gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, waxaanu ku baaqay in lasii daayo.

4/19/2022 8:19 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi maaday oo waraysi siiyay BBCda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, iyo waliba arrimo ay kamid yihiin aragtida ka urur ahaan ay ka qabaan kulanka wadatashiga Qaran ee Itoobiya dhawaan lagu qabanayo.

4/19/2022 8:14 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Marxuum Abwaan Beddel Jaamac ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubaysan ay xalay ku dileen degmada Kaxda, isagoo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadii maqrib.

4/19/2022 6:43 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - 12 kamid ah wariyayaashii 12, April xabsiga loo taxabay ayaa lagu guulaystay in xabsiga laga siidaayo, kadib dadaal ay sameeyeen xildhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

4/19/2022 5:08 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan xildhibaanno katirsan labada aqal ee barlamaanka oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2022 4:04 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4/19/2022 2:45 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney si toos ah magaalada Muqdisho uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan guddoonada Aqalka sare iyo kan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraal Soomaaliya.

4/19/2022 1:59 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay.

4/19/2022 1:52 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.