4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Sirdoonka bariga Afrika oo kala saxiixday heshiiska dhanka ah kooxda argigixisada

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Hay’adaha Sirdoonka Milliteriga ee Bariga Afrika ayaa shir ku yeeshay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, kaasi oo ay kaga wada-tashanayeen Ammaanka Gobalka, Argagixisadda iyo arrimo kale.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen dalalka Ethiopia, Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Tanzania iyo Uganda ayaa waxa ay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo feejignaanta joogtada ah iyo dadaalada wadajirka ah ee wadamada gobolka si loola dagaalamo caqabadaha amniga.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay Axaddii soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, hay’adaha milaterigu waxay saxeexeen heshiis is-afgarad ah oo si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada iyo ka hortagga xoogagga nabad-diidka ah ee khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Dhanka kale, hay’adaha sirdoonka milateriga ayaa isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga xuduudaha, amniga internetka, baraha bulshada, ilaalinta deegaanka iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo kuwo kale si loo abuuro “Afrika nabad iyo amni ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online