4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Maleyshiyaad hubaysan oo la wareegay goob lagu qaban lahaa doorashada guddoomiyaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Maleyshiyaad hubaysan ayaa la wareegay goob lagu qabanayo doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay iska hor imaad kooban oo ka dhacay goobta doorashada loo asteeyay, waxayna arrintaan salka ku haysaa loolan siyaasadeed oo loogu jiro cidda ku guulaysan karta kursiga guddoomiyaha degmada Eyl.

Doorashada oo maanta lagu wado inay dhacdo waxaa labo garab u kala jabay xildhibaannadii urur siyaasadeedka  Kaah, kuwaas oo hab qabiil ula kala saftay labada musharrax ee u tartamaya guddoomiyaha degmada Eyl.

Labada musharrax oo horey u kala ahaa guddoomiyihii iyo ku xigeenkii degmada Eyl, ayaa waxay labaduba katirsan yihiin ururka Kaah oo haysta kuraasta ugu badan ee xildhibaannada golaha deegaanka Eyl.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ururada mucaaradka ayaa ku eedeeyay garab kamid ah ururka Kaah inuu ka dambeeyo falka ka dhacay degmada Eyl, waxayna sheegeen in lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashada axsaabta badan.

Ururada mucaaradka ayaa horey ugu guulaystay maamulka degmooyinka Qardho iyo Ufayn, iyagoo sameystay isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah ururka Kaah, balse hadda mucaaradku uma sharaxna maamulka degmada Eyl.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online