4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
QM oo ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka doorashada Soomaaliya

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) -  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay sida ay Soomaaliya uga garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaaraha dalka ka jira.  

Antonio Gutters ayaa sheegay inay taageersan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS  uuna rajeynayo in Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan u sugto ulana wareegto ammaankeeda dalkeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wada hadlay hanaanka doorashada Soomaaliya. Waxaana la isla qaatay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo  doorashada aqalka hoose iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Wadahadalka xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli doorashada Soomaaliya ay ka bixi la'dahay khilaaf joogto ah oo sabab u ah is haynta madaxda ugu sarraysa dalka, kuwaas oo u kala qeybsamay muxaafid iyo mucaarad isku haysta doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online