4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ku guulaystay inuu difaacdo kursigiisa xildhibaanimo

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) -  Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#140 ee barlamaanka aqalka hoose oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

Xildhibaan Cosoble ayaa kamid noqonaya xildhibaannada mar kale kusoo laabtay barlamaanka Soomaaliya, isagoo dhinaca kale qeyb ka ah dadka aadka ugasoo horjeeda siyaasada madaxweyne Farmaajo dalka ku hoggaaminayay shantii sano.

Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka helay doorashada xalay ka dhacday magaalada Jowhar, 76-cod halka Cabdikariim Tifow oo kursiga kula tartamayay uu helay 22-cod. 3 cod ayaa xumaaday.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu tiriyo inay saaxiib dhow la yihiin villa Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo baxay siyaasiyiinta ugu mayalka adag dhinaca mucaaradka. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online