4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Wasiir Kaahin: Dadka qaar imika waxtar kama hadlaan, ee waxyeelayn ayay ka hadlan
 

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) -  Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay howlgal lagu nadiifinayo suuqii Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in gacmaha laysku qabsado howsha, isagoo sheegay in ay jiraan dad waxyeelaynaya shaqada.

Wasiirka ayaa sheegay in marka lagu jiro wakhtiyada ay dhacaan masiibooyinka caynkan oo kale ah, loo baahanyahay in awooda laysku wada geeyo, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad waxyeelaynaya habsami u socodka shaqada, oo hadalo aan fiicnayn ku hadlaya.

"Qaran marka dhibaato caynkan oo kale ahi ku dhacdo wixiisa ayuu isku wada geeyaa, dadka qaar imika waxtar kama hadlaane, wax wax yeelaynaya ayay ka hadlaan arrintan aynu gacanta ku hayno, ninkii markaa waxyeelaynta ka hadlaya waa yeelkadiisa oo waxkhti uma hayno" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka oo u muuqday in uu la hadlayo axsaabta mucaaradka Somaliland, oo iyagu doodo ka keenay cida leh masuuliyada dib u dhiska suuqa Waaheen, ayaa sheegay in loo baahanyahay in layska iloobo kala duwanaanshaha afkaarta oo howsha la wada qabto, isla markaana meel loo wada socdo.

Kaahin ayaa sidookale saxaafada usoojeediyay in anay bulshada usoo gudbin, hadalada xanafta leh, ee aan ku haboonayn wakhtiga lagu jiro.

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, ayaa maanta laga bilaabay shaqo dib loogu nadiifinayo, kadib markii uu gabi ahaanba gubtay 1, April, 2022, waxaana gabi ahaanba suuqa meesha ka saaray dab socday muddo ku dhow 30 saacadood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online