4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2022
Booliiska Somaliland oo iska fogeeyay eedo loo soo jeediyay
 

Isniin, September, 5, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa beeniyay tacadi uu sarkaal hore uga tirsanaan jiray sheegay in booliisku u gaysto maxaabiista saldhigyada ku xidhan.

"Taliska Ciidanka Booliska J. Somaliland ,  waxa uu halkan ka beeninayaa  wararka waxba kama jiraana oo wiigagii u dambeeyay  baraha bulshada lagu baahiyay ,  taasi oo Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay inay saldhigyada ka  gaystaan  tacadiyo iyo dhibaatooyin naxaabiista lagu soo xidho".

Wararkan oo booliisku sheegay in uu faafiyay Yaxye Samaysne oo hore uga tirsanaa booliiska, ayuu ku tilmaamay qaar looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo sumcada ciidamada booliiska, waxaanu digniin u diray cidkasta oo ku foogan ka been abuurida ciidamada booliiska.

Samaysne ayay booliisku sheegeen in uu taliye ku xigeen ka ahaa Saldhiga Dhexe ee Hargaysa, kadibna uu maskax ahaan u xanuunsaday, ka bacdina loo badalay taliska guud ee ciidanka booliska, si halkaas loogaga war hayo, lakiin uu u baxsaday magaalada Muqdisho,  warar been ahna ka faafiyay booliiska intuu halka joogay.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu ka tagay ciidamada booliiska isaga oo ku eedeeyay in ay gaystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]