4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegay deegaano badan oo hoostaga degmada Buulaburte
 

Isniin, September, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa Maanta howgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte.

Ciidamada dowladda ayaa howgaladooda waxay kula wareegeen deegaanada kala ah Gubadleey, Dabayoodle, Kilad, Ceeymooy iyo Dhagaxyaale, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buulaburte, islamarkaana ay horay ugu sugnayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee hoggaaminaayay howlgalada ciidamadu sameyeen ayaa sheegay iney ciidanka gacanta kusoo dhigeen doon Al-shabaab ugu xirneed wabiga Shabeelle oo u aheyd bar isku socod oo ay ku gudbistaan sahayda, dhaawacyada, gurmadka iyo ciidamadooda u kala gudbaya gobolada Shabeelooyinka iyo gobolada dhaxe ee dalka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee horkaceysay howlgalada ay Maanta kula wareegeen deegaanada dhowrka ah ee hoostaga Buulaburte ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay noqonayaan kuwa sii socon doono ilaa inta ay ka xoreynayaan deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Howlgalada ciidamadaan ayaa imaanaya xili ciidamo isugu jira Macawiisleey iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay howlgalo ka wadaan labadii maalmood ee lasoo dhaafay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Baledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana howlagalada ay sii xoogeysteen markii dhawaan Al-shabaab dad shacab ah ay ku laayeen deegaanka Afar irdood, islamarkaana ay ku sheegeen dadkaasi ay dileen iney ahayeen Macawiisleey taasi oo dhalisay kacdoon dadweyne.