4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2022
Cumar Cabdirashiid: Ku darsashada Axmed Madoobe iyo ka aamusnaanta dowladda waa arrin khatar ah
 

Isniin, September, 5, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay inaan laga ogolaan ku darsashada halka sano ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed  Madoobe.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka aamusan tahay ku darsashada madaxweyne Axmed Madoobe. Wuxuuna ku tilmaamay arrin khatara.

“Dowladda federalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhacaya dowlad goboleedyada, moral authority-geeda ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku darsanay, dowladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tiraahdo waan diidnay,”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar wuxuu sheegay fakarka ku darshada Jubbaland inay tahay wax aan ka shaqaynayn dimuqraadiyad. Wuxuu sidoo kale sheegay, in Axmed Madoobe uu leeyahay eedda inuu wax ku qaban waayay muddada dheer ee uu madaxweynaha ka yahay Jubbaland.

Barlamaanka Jubbaland ayaa dhowaan hal sano ugu daray Axmed Madoobe, waxaana arrintaas ka horyimid siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah wakiillada barlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland.