4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 4 , 2022
Alshabaab oo sheegay inay gubeen booyado shidaal u siday xerada Balli-doogle
 

Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay gubeen saddex gaari oo booyad ah oo shidaal u siday garoonka diyaaradaha ee deegaanka Balli-doogle, halkaas oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin Maraykanka.

Afhayeenka howlgallada kooxda Alshabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay gaadiidkan ku weerareen iyagoo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee  u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Abuu Muscab wuxuu sheegay inay ka baxsatay hal booyad oo dhinaca magaalada Muqdisho u carartay.

Muuqaallo lagasoo qaaday goobta ayaa muujinayay gaadiidkan oo gubanaya oo wadada dhinaceeda yaalla. Saraakiil dowladda katirsan ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray darawaliintii gaadiidkan.

Lama oga wax dhimasho ah. Waxayse saraakiishu sheegeen Alshabaab in dhowr madfac ku dhufteen gaadiidka sahayda u waday xerada Balli-Doogle.

Alshabaab ayaa marar badan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellada hoose ka geysta weeraro “ku dhufoo ka dhaqaaq ah”. Waxayna inta badan eegtaan ciidamada ku safra jidkaan oo ah meelaha ugu halista badan.