4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 4 , 2022
Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo war kasoo saaray weerarkii dadka Shacabka ahaa lagu laayay ee ka dhacay Hiiraan
 

Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxay si kulul uga hadleen dhacdadii Al-shabaab ay ku dileen dadkii shacabka ahaa ee ku safraayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas, islamarkaana ay ku gubeen gaadiidkii ay la socdeen iyo raashiinkii saarnaa.

Qoraalka kasoo baxay ATMIS ayaa ugu horeyn waxaa lagu Cambaareeyay weerarkii habeen hore dhacay ee  lagu dilay dad ka badan 20 ruux oo shacab ahaa xili ay safar u ahayeen degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga, kuwaas oo Al-shabaab ay ku dileen deegaanka Afar irdood oo qiyaas ahaan Baledweyne uga beegan 35 KM dhinaca Koonfur Bari.

ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in ay aad ugu xunyihiiin beegsiga Shabaab ay ku hayaan dadka shacabka ah waxayna sheegeen in ay qeyb ka noqon doonan howlgalada ay wadaan ciidanka dowlada Soomaaliya ee haatan ka socda qaar ka mod ah gobolada dalka.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaan qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata dalka Soomaaliya ” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

Hadalkaan kasoo baxay ATMIS ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey mudo laba bilood ka badan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo ciidanka ATMIS aysan marna qeyb ka noqon howlgalada mudadaas ka socday gobolka Hiiraan, lamana oga in ciidanka ATMIS ay ka dhabeyn doonaan balanqaadkooda ku aadan in ay ka qeyb galayaan howlgalada cusub ee Al-Shabaab lagula dagaalamayo.