4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duuleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Geedweyne oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ciidamada Macawiisleeyda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada deegaanka ee is abaabulay ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin ay Shabaab ku lahayeen deegaanka Geedweyne, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad xoogan oo lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Geedweyne ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday hal saac oo xiriir ah, islamarkaana la isku adeeegsaday hubka noocyadiisa, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada saakay ku dagaalamay deegaanka Geedweyne ee Al-shabaab iyo Macawiisleey oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan saakay ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda ku qaadeen deegaanka Geedweyne oo ay Al-shabaab ku sugnayeen ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay habeen hore dad shacab ah oo kor u dhaafaya 20 ruux ay ku dileen deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay ku sheegeen Shabaab iney ahaayeen Macawiisleey.