4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 4 , 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Alshabaab waxay doonayaan inay shacabka tusiyaan in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan
 

Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Ergayda abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dawladda ugu baaqay inay la timaado abaabul heer qaran oo Alshabaab la iskaga celiyo. Wuxuu sheegay shacabka oo abaar ba’an la tacaalaya inaysan colaad iyo gumaad Al- Shabaab xamili karin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in xaq loogu leeyahay in aan shacabkeeda horteeda lagu gumaadin, laguna gumaysan.

“Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigooda aqbalaan. Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loogu hiillanayo shacabka uu Shabaab gumaadayo, waa in uu heer qaran noqdaa,” ayuu yiri ergayga gurmadka abaaraha.

Wuxuu sheegay in dowladdu haysato fursad Alshabaab looga takhalusi karo, mar haddii buu yiri ay shacabkii diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan Alshabaab. Wuxuu tilmaamay fursadan oo kale inay dowladdii hore soo martay, markii uu dhacay xasuuqii Zoobe.

Wuxuu ugu dambayn ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee habeen hore lagu laayay gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inuu yahay ficil muujinaya in Alshabaab aysan u kala soocnayn dowladda iyo Shacabka aan hubaysnayn.