4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Sarreeye guud Farxaan Maxamuud Aadan iyo afarta askari waxay u shahiideen waajibaadka qaran ee dalkooda
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, iyo askarta la geeriyootay ay ka go’nayd in ay xoreeyaan dalka, si ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran.

" Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa argagixisada ah,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.