4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Gedo: In ka badan 10 qof oo shacab ah oo lagu dilay goob Ceel laga qodayay
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab ayaa falkaan ka dambeeyay, iyagoo sidoo kale gubay  gaarigii Riiga ahaa iyo dhaman alaabtii lagu qodayay ceelka sida aan kasoo xiganay dad goob joogayaal ah.

Arrinta la yaabka leh ee lasoo tebiyay ayaa ah, in Injineeradda ceelka qodayay iyo shacabkii la socday dhammantood dab la qabad siiyay oo la gubay.

Lama oga sababta ka dambeysa in dad shacab ah oo aan waxba galabsan sidaas loo laayo. Waxayna arrintaan ay kusoo aaday xilli maalmihii ugu dambeeyay gobolka Gedo uu ka socday howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Falka nuucaan oo ah ayaa horey uga dhacay Hiiraan iyo Galgaduud, waana midda keentay kacdooonka haatan loogasoo horjeedo Alshabaab.