4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Ahlusunna Waljamaaca oo shaacisay inay wada hadal kula jiraan dowladda federalka si ay dagaalka Alshabab uga qeyb qaataan
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.

Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska kaashanayaan dagaalka Alshabaab.

Shaakir wuxuu sheegay inay ciidamadooda iyo saraakiishooda haatan qeyb ka yihiin dagaaladda Alshabaab lagulo jiro.

Wuxuu sheegay in khilaafka dowladda federalka kala dhaxeeya ay meel iska dhigeen una soo jeesteen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wuxuu ku ammaanay madaxweyne Xasan Sheikh inuu daacad ka yahay dagaalka Alshabaab iyo suulinta fikirka xagjirnimada. Wuxuu sheegay markii Alshabaab la suuliyo inay ka heshiinayaan wixii khilaaf ee iyaga dowladda dhexyaala.

“Markii madaxweynuhu ku dhawaaqay oo uu yidhi, waan baabi’ibinaynaa nimankaas (Alshabaab), runtii waxaan u soo dhoweynay si aan dadka kale u soo dhowayn. Waayo horey ayaan uga gubanay dhibaatada ay dadka ku hayaan. Waxaan madaxweynaha ku taageeraynaa inuu yidhi,’ fikirkooda ayaan suulinaynaa oo dhaqaalaha ayaan kala diririnaynaa. In nimankaas la suuliyo oo ummadda laga badbaadiyo waa mid aan doonaynay,” ayuu yidhi Sheikh Shaakir.

Ahlusunna ayaa in muddo ah kasoo muuqan fagaaraha dagaalka Alshabaab, kadib markii ay isku dhaceen maamulka Galmudug oo dagaallo adagi dhex mareen.