4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed ka dhan ah Alshabaab iyo cid kasta oo maalgalisa

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan kooxda Alshabaab.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in hay’adaha baaristu ay si dhow ula socdaan dhaqdhaaqyada maaliyaddeed ee shaqsiyaadkan, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo lagu fulindoono xeerka ka hortagga maalgalinta argigixisada iyo lacag dhaqida.

Xeer ilaaliyaha ayaa digniin xooggan u diray cid kasta oo isku dayda inay Alshabaab siiso dhaqaale. Wuxuu shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed oo ka dhan ah argigixisada iyo dadka gacanta kula jira maalgalintooda.

“Waxaan billownay tallaabooyin adag oo lagu beegsanayo dadka lagu tuhunsan yahay inay dhaqayaan lacagaha si ay u gacan siiyaan argigixisada. Waxaan sharciga horkeenaynaa cid kasta oo argigixisada gacan siisa,’ ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, xeer ilaaliyaha guud, ayaa digniin u diray dadka garsoorka u raadsanaya Alshabaab, isagoo hay’adda fulinta faray inay sharciga horkeenaan cid kaste oo lagu tuhunsan yahay inay garsoor u doonatay Alshabaab.

Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aaday xilli dowladda federalku ku jirto dagaal ka dhan ah Alshabaab, dagaalkaas oo sababay in Alshabaab laga qabsado dhul badan oo ay ka talin jireen.