4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay weerarkii lagu laayay dadka shacabka ahaa ee ka dhacay deegaanka Afar irdood
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Xalay Al-shabaab ka geysteen deegaanka Afar irdood oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhinaca Koonfur Bari ilaa 35 KM, isagoona uga tacsiyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen.

Raysal wasaare Xamse Cabdi ayaa si kulul u cambaareeyay falka Xalay Al-shabaab ay ku laayeen dadka shacabka ahaa ayna ku gubeen gaadiidkii ay la socdeen iyo hantidii saarneyd, isagoona sheegay in dhacdada noocaasi ah aysan aheyn mid Diinta Islaamka sal iyo raad toona ku laheyn.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodii, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu intaa ku daray hadalkiisa Raysal wasaaraha Soomaaliya in Xukuumaddiisa ay garab taagan tahay ciidamada halyeeyada deegaanka ee isku abaabulay la dagaalanka Al-shabaab oo uu tilmaamay iney khasaare badan gaarsiiyeen Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay weerarka Al-shabaab ku laayeen dadka shacabka ahaa ee ka dhacay deegaanka Afar irdood qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab.