4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo war kasoo saaray weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Afar irdood
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii dadka badan ay ku dileen Ururka Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Afar irdood oo dhinaca Koonfur Bari kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 35 KM.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in madaxweyne Guudlaawe oo ku hadlayo afka golayaasha dowladda Hirshabeelle inuu ka tacsiyadeynayo falkii Al-shabaab ay ku xasuuqeen dadka shacabka ahaa ee hantidoodana ay ku gubeen.

"Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada Al-shabab ku xasuuqeen dad shacabka ah kuna gubeen hantidooda oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas sida xaqdarada ah loo xasuuqay waxa uuna Alle uga baryay in Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay weeraradii lagu qaaday ee ka socday deegaanada ay kaga sugnayeen gobalka Hiiraan, islamarkaana la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga xoreynayo deegaanada gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka Xalay ka dhacay deegaanka Afar irdood ee lagu dilay ku dhawaad 20-ka ruux ee shacabka ahaa, laguna gubay gaadiidkii ay la socdeen iyo raashiin saarna.