4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Maleyshiyo beeleed jaray isgaarsiintii degmada Eyl halkaas oo madaxweynaha Puntland uu u safray
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Maleyshiyo beeleed hubaysan ayaa jaray isgaarsiintii degmada Eyl iyo deegaannada ku xeeran, halkaas oo maanta uu u safray madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wasiirro u badan.

Warbaahinta gudaha oo la hadashay dad ka agdhow meelaha anteennada laga jaray, ayaa waxay  u sheegeen in maleyshiyo beeleedkan ay xalay damiyeen anteenooyinka shirkaddaha GOLIS iyo SOMTEL ee halkaas kuyaalla.

Weli si rasmi ah looma oga sababta arrintan ka dambeysa, hase yeeshee, dadka deegaanku waxa ay sheegayaan inay xiriir la leedahay cabashada ballanqaadyo xilal ah oo aan fulin oo uu ururka Kaah oo madaxweyne Deni uu guddoomiye ka yahay uu u sameeyay dadka deegaankas.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo dib hawada loogusoo celinayo isgaarsiinta deegaanka, waxaana laga yaabaa in saacaddaha soo socda lagu guulaysto.

Deegaannada anteennada laga jaray waa meelaha ugu badan ee uu codadka ugu badan ka helay ururka Kaah, oo ay usoo baxeen ku dhawaad labo meelood meel kamid ah xilhibaannada golaha deegaanka Eyl.

Arrintaan ayaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato  doorashada duqa degmada Eyl iyo ku xigeenkiisa oo lagu wado inay maalinta berrito ah ka dhacdo halkaas, iyadoo inta badan la xalliyay khilaafkii horey u jiray.