4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay weerarkii dadka badan lagu dilay, laguna gubay gaadiidkii ay la socdeen ee ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Warsaxafadeed deg deg ah kasoo saartay weerar Al-shabaab ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux oo safar ahaa, islamarkaana ay ku gubeen gaadiidkii ay la socdeen oo ahaa ilaa 8 baabuur oo raashiin u siday degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga.

Weerarkan oo Xalay ka dhacay deegaanka Afar irdood oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku sheegtay inuu yahay mid waxuushnimo ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda Shabaab ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ficilada Al-shabaab ay muujinayaan iney tabar yareeyeen oo aysan wajahi karin ciidanka dowladda Soomaaliya oo taas badalkeedu ay dhibaateynayaan dadka rayidka ah, waxayna sheegtay iney sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kaasoo lagu doonayo in lagaga xureeyo shabaab guud ahaan dalka.

“Waxaa naga go’an in kooxda ee Al-shabaab Waddanka oo idil laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya

Warkaan kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa imaanaya xili Xalay Al-shabaab weerar ay ka geysteen deegaanka Afar irdood ay ku dileen dad ku dhaw 20 ruux oo shacab ah, islamarkaana ay gubeen ilaa 8 baabuur oo  raashiin u siday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoostaga.