4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Ku dhawaad 20 ruux oo lagu dilay deegaanka Afar irdood iyo gaadiidkii ay saarnayeen oo la gubay
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Afar irdood oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaasi ku gubeen ilaa 8 gaari oo siday raashiin, islamarkaana ay dileen inta badan dadkii la socday gaadiidka la gubay.

Inkastoo aanan la xaqiijin tirada rasmiga ah dadka la dilay ee la socday gawaarida raashiinka waday ee Al-shabaab gubeen ayaa hadana wararka hordhaca ah ee laga helaayo deegaankaasi, waxay sheegayaan in dadka la dilay ay kor u dhaafayaan 15 ruux oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gawaarida la gubay.

Gawaarida raashiinka siday ee la gubay ayaa u rarnaa degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga, kuwaas oo shalay galinkii dambe ka ambabaxay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Al-shabaab ay u galeen wadada dabadeedna ay dab qabadsiiyeen.

Warar kale oo subaxnimadaan Shabakadda HOL ay ka heshay inta u dhaxeysa deegamada Maxaas iyo deegaanka Afar irdood ayaa sheegaya in gaari usoo gurmaday qaadista meydadka dadka la dilay oo kasoo baxay degmada Maxaas ay miino kula qaraxday wadada, hayeeshee faahfaahin intaa dheer aanan laga heynin maadama Isgaarsiinta deegaanadaasi ay tahay mid go'an.

Deegaanka Afar Irdood oo ah goobta lagu gubay gaadiidka raashiinka waday, islamarkaana lagu dilay dadkii saarnaa ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaayay kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkan khasaaraha badan geystay oo ay fuliyeen Al-shabaab, hayeeshee saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay warbixin kasoo saaraan dhacdadaan Al-shabaab ay ku gubeen gaadiidka waday raashiinka ayna ku dileen dadkii la socday gadiidka.