4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Madaxweyne Deni oo Eyl u safray si uu xal ugu helo khilaaf ka taagan farriisinta xildhibaannadii shacabku soo doorteen
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa u safray magaalada taariikhiga ah ee Eyl si uu xal ugu helo farriisinta xildhibaannadii shacabku soo doorteen si ay u doortaan guddoomiyaha degmada Eyl.

Eyl oo kamid ahayd saddexdii degmo ee Puntland ee ay ka dhaceen doorashooyinkii ururada siyaasada ee dowladdaha hoose, ayaa khilaaf awgeed loo farriisin waayay xildhibaannadii shacabku soo doorteen si ay u doortaan duqa Eyl iyo ku xigeenka.

Eyl oo Garowe u jirta 240km ayaa labadii degmo ee kale ee doorashada laga qabtay ee kala ah Qardho iyo Ufayn waxaa kusoo baxay guddoomiyayaal degmo oo ka socday dhinaca axsaabta mucaaradka.

Madaxweyne Deni oo ay safarkiisa ay ku wehliyaan masuuliyiin deegaanka kasoo jeeda ayaa qorsheynaya inuu xal ka gaaro muranka doorashada ka taagan, iyadoo labo garab oo ka kala tirsan yihiin urur siyaasadeedkiisa Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay isku haysteen cidda noqonaysa guddoomiyaha Eyl.

Labada shakhsi ee isku haysata waa gudddoomiyihii degmada Eyl iyo ku xigeenkiisa oo labaduba muddo 10 ssno ah xilkaas hayay, iyagoo sidoo kale kusoo baxay doorashadii xildhibaannada ee Octobar 2021.