4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Mulkiilaha Dugsiga Abaarso oo diinta Islaamka qaatay
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Johanathan Starr oo ah aasaasaha Dugsiga Abaarso ee ku yaal galbeedka Hargaysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ee Hargeysa ayaa qaatay diinta Islaamka.

Starr oo muddo dheer madax ka ahaa Dugsiga Abaarso, isla markaana dhawaan as aasay jaamacada Barwaaqo ee hablaha u gaar ka ah, ayaa shahaadada loogu qabtay masaajid ku yaala dalka Maraykanka.

"Waxaanu ku kulanay maqaaxi, wuxuu igu yidhi waxan rabaa in aan ku waydiiyo su'aalo Islaamka ku saabsan, kadibna waxan ku idhi i waydii, shalay ayay isaga iyo adeerkii makhaayadii iigu yimaadeen, kadibna wuxu yidhi waxan rabaa in aan shahaadada qaato" wadaadkii shahaadada u qabtay ayaa sida yidhi.

Dadka dhaliila Dugsiga Abaarso ayaa aaminsanaa in Starr uu yahay nin u jeedo kale ka leh waxbarashada uu bixiyo, oo faafinaya fikrado ka dhan ah diinta Islaamka, waxaana la odhan jiray wuxuu ardayda baraa gaalnimo.

Hadaba, waalidiinta caruurtoodu wax ka bartaan dugsigan ayaa Starr markasta ka difaaci jiray eedaha loo soo jeediyo, iyagoo dacwado ka gudbiyay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku doodi jiray in Starr uu gaalnimo caruurta baro, Coldoon ayaa hada ku jira xabsiga Hargaysa.

Ardayda wax ka barata dugsigan ayaa ku dooda in Starr iyo macalimiinta dugsigan wax ka dhigtaa anay marnaba lasoo hadal qaadin qadiyad diimeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]