4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hor sheegay Kacdoonka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xaalada Abaaraha
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada ah.

“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku  bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.