4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
Golaha wasiiradda Jubbaland oo ku dhawaaqay Guddiyada abaabulka dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Shirka todobaadlaha ee golaha wasiiradda maamul goboleedka Jubaland oo uu Maanta shir gudoomiyay madaxweynaha dowladda goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn golahiisa wasiiradda la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee dhawaan Magaalada Muqdisho kusoo gaba gaboobay iyo qodobadii kasoo baxay oo uu ka mid ahaa dardar galinta dagaalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu gorfooyay sidii loo abaabuli lahaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan bulshada iyo maamulka, waxaana kulanka gabagabadiisii la dhisay ilaa sadax guddi oo ka shaqeynaya howlaha la xariira hirgalinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddiyada la dhisay ayaa kala ah Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab iyo Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland, Guddiga Taakuleynta iyo Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab iyo Horumarinta Amniga deegaanada maamulka Jubaland iyo guddiga sadaxaad oo ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab iyo Horumarinta Amniga deegaanada Jubaland.

Guddiyadan ay la sheegay iney ka kooban yihiin qeybaha kala duwan ee laamaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool Jubbaland, waxaa uu imaanaya kulankaan Jubbaland ay ugu diyaar garoobeyso dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab xili gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka carooday ficilada Al-shabaab ee ahaa gubista guryaha iyo ceelasha biyaha.