4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Puntland oo Somaliland ku eedeeysay daandaansi dagaal iyo hurrin colaaddeed
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daandaansi dagaal, kadib markii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu tagay Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng, Maxamuud Ceydiid Dirir oo maanta saxaafadda kula hadlay Garowe, ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu maleyshiyo beeleed ku hubaynayo gobolka Sool, si uu colaad uga dhex abuuro dadka shacabka ah.

Wasiir warfaafinta waxa uu sheegay in aysan Somaliland muddo fog sii haynsandoonin magaalada Laascaano, oo hadda in ka badan 15 sano gacanta ugu jirta. Wuxuu ammaanay dad shacab ah oo shalay mudaharaad ka dhan ah madaxweyne Muuse Biixi ka sameeyay magaalada Laascaano.

Sannadkii 2018 ayay ahayd markii Puntland lagala wareegay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo ah meel istaraatiiji ah oo isku xirta  Garowe iyo Laascaanood.

Taliyaha ciiddanka milatariga Somaliland Nuux Taani oo kamid ahaa wafdigii la socday madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inay labaatan sano ku qaadatay inay yimaadaan Tukaraq. Wuxuu sheegay inay tagyaan wuxuu ugu yeeray xadka Somaliland oo kuyaalla meel dhowr km u jirta Garowe.