4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Wasiir Fiqi: Ma jiro dagaal dowladdu kula jirto maamulka Koonfur Galbeed
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda federalku colaad kala dhaxeyso dowlad goboleedyada.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah usoo qaatay maamulka Koonfur Galbeed oo kamid ah maamulada aadka ugu dhowaa dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo, kana soo horjeeday siyaasiyiintii mucaaradka ee uu madaxweyne xasan Sheikh kamid ahaa.

Fiqi wuxuu sheegay maamulka koonfur Galbeed in dowladdu wada shaqayn dhow la leedahay islamarkaana uu yahay meelaha uu Shabaabku dhibaatada ka wado ee ay dowladdu doonayso inay gacan ka geysato sidii loosoo afjari lahaa.

Wuxuu sheegay hadal qof dowladda katirsan kasoo yeeray in aanu ka tarjumayn aragtida iyo siyaasada dowladda ee Koonfur Galbeed.

“Koonfur Galbeed hadda gurmadkii abaaraha ayay dowladdu ka billaabaysaa. Hay’adda masiibooyinka ayaa maanta iyo berri deegannada ugu darran geynaysa gurmadka abaaraha, marka ma jiro dagaalo dowlad goboleedyada ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay dowladdu inay u taalo shaqo culus oo ku aadan la dagaalanka Alshabaab oo uu ku tilmaamay mushkiladda ugu weyn ee maanta hortaagan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay ku qaadi doonaan  dagaal dhinaca fikirka ah, dhinaca dhaqaalaha ah iyo duullaan milatari oo toos ah. Wuxuu digniin udiray ganacsatada dhaqaalaha siiya Alshabaab.