4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo soo bandhigtay habka ay u qeybisay deeq waxbarasho oo laga helay dalka Masar
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sida ay u qeybisay deeq waxbarasho Soomaaliya ay ka heshay dalka Masar, taasoo isugu jirta waxbarashada sare ee heer koowaad iyo heerka labaad.

Qoraal ku taariikhaysanaa bishii june dhammaadeedkii ayaa dowlad goboleedyada lagu wargaliyay inay soo gudbiyaan ardayda buuxisay sharuudaha deeqda waxbarashada, ugu dambayn 20-kii bishii 7-aad ee tagtay.

Gobolka Banaadir ayaa ah gobolka ugu badan ee wasaaraddu siisay deeqda waxbarashada, wuxuuna ka helay 40 arday, halka dowlad goboleedyada iyo Somaliland ay heleen mid 25 arday oo deeq waxbarasho ah.

Qeybsiga deeqaha waxbarasho waa mid kamid ah arrimaha ay aadka isugu khilaafaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Inkastoo marar badan laga gaaray heshiisyo arrintan, haddana dowladda dhexe ayaa lagu eedeeyaa inaysan si caddaalad ah u qeybin fursadaha waxbarasho ee dibadda.