4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Dad ku dhaawacmay diyaarad qaad siday oo lagu rasaaseeyay Laascaanood
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - 4 qof ayaa inta la ogyahay dhaawacyo soogaadheen kadib markii ay rasaas is waydaarsadeen laba ganacsato oo qaadka keena magaalada Laascaanood.

Israsaasaynta ayaa timid kadib markii ganacsatada qaadka Miirooga keena magaalada Laascaanood, ay isku maan dhaafeen imaatinka diyaarad qaad siday oo soo caga dhigatay magaalada.

Sidookale, diyaarada qaadka siday ayay dhibaato kasoo gaadhay rasaas haleeshay, diyaarada ayaana dib uga duushay magaalada Laascaanood, kadib khilaafka soo dhexgala labada ganacsato.

Wali hay'addaha amaanka Laascaanood faah faahin dheeri ah kama bixin dhacdadan, sidookale dhanacyada dirirtu dhex martay ayaan ilaa hada wax xog ah bixin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]