4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Ergayga abaaraha Soomaaliya oo ka codsaday Talyaaniga inay dib u billaabaan taageeradii qaar kamid ah isbitaalada dalka
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Ergeyga gurmadka abaaraha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan aalada fogaan aragga kula qaatay Safiirka ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaliya Amb. Massimiliano Bertollo, madaxa arrimaha bani'adannimada ee wasaarada arrimaha dibedda ee Talyaaniga iyo madaxa Agaasinka Afrika.

Kulankaan ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen shir doceedka heerka sare ee ay dowladda Talyaaniga qabanqaabinayso kaas oo lagu wado in uu ka dhaco New York inta uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga ayaa ka dhageystay safiirka iyo madaxa arrimaha bani'aadannimada ee wasaarada arrimaha dibedda dowladda Talyaaniga warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee dowladda Talyaaniga ka wado gudaha waddanka Soomaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga si ay u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa ka codsaday in ay si dhaqso leh dib u billaabaan taakulaynta ay siin jireen cusbitalka Martiini, Cusbitalka Jowhar, Xudur iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu dabiibayo dad fara badan oo nafaqo darrada abaarta la daala dhacaya.

Safiir ku xigeenka Talyaaniga, ayaa boggaadiyay dadaallada Soomaaliya ay ku bixineyso gurmadka abaaraha iyo fududeynta, wuxuuna u ballan qaaday Ergeyga in dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto taageerida howlaha Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya.