4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo nasiib darro ku tilmaamtay in Alshabaab ay burburinayaan ceelashii dadku abaarta kaga badbaadi lahaayeen
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in kooxda Alshabaab ay sare u qaadeen burburinta ceelasha biyaha, qalabka isgaarsiinta iyo barakacinta dadka tabaaleysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay degaanada Maarsa-Mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-Kibir, Dhisaq-Shurufle iyo Cali Wayd ee gobolka Galguduud ee Galmudug ay ka burburiyeen ceelashii biyaha ee ay shacabku kaga badbaadi lahaayeen haraadka iyo abaaraha daran.

Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in isgaarsiintii degaannadaasi ay densan yihiin kadib markii ay kooxda Alshabaab ay burbur u geysteen qalabka shirkadaha isgaarsiinta.

“Argagixisada ayaa dooneysa inay si arxan la’aan ah u ciqaabaan dad shacab ah kadib , markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka ay bilaabeen hawlgalo culus oo lagu cirib tirayo kooxda arxanka daran ee diinta Islaamka ku tumaneysa,’ ayay tiri dowladdu.”

Dhowaan ayay dowladda lacag ku dhow 150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ku bixisay dib u qodista iyo hagaajinta ceelal ay Alshabaab ku burburiyeen degaano ku yaalla gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay inay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah kooxda, gacanta kalena ay ku sii wadeyso iskudubbaridka gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen.

Waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqday shacabka inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si meesha looga saaro Alshabaab.