4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in shan katirsan Alshabaab lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya gaar ahaan guutada Shanaad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay 5 ka tirsan Alshabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay waaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidanka xooggu ku raad joogaan firxadka Alshabaab, iyadoo sheegtay in looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay Hiiraan.

Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay in aysan jirin waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan dhallinyarada  u dagalaamaysa kooxda Alshabaab . Waxay sii raacisay dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay in ay soo afjarto Alshabaab.

Saakay ayay ahayd markii dowladda Soomalaiya ay sheegtay inay dishay 54 katirsan Alshabaab, kadib howlgallo ka kala dhacay hiiraan iyo Shabeellada hoose. Waxayna dowladdu sheegtay inay gacan ku dhigtay maxaabiis iyo hub farabadan.

Labo todobaad in ka badan ayuu gobolka Hiiraan ka socdaa howlgalkii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah Alshabaab.

Dowladdu waxay sheegtay inay ku dishay 200 oo dagaalame oo Shabaab katirsanaa.