4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Golaha Wakiilada Somaliland oo go'aan kasoo saaray soojeedintii guddida ganacsatada
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada.

33 kamid ah 52 xildhibaan oo kasoo xaadiray kalfadhiga maanta, ayaa u codeeyay in laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada, halka 19 mudane ay ka aamuseen cod gacantaag ah oo soojeedinta lagu meel mariyay.

"Goluhu wuu meel mariyay, wuu ansixiyay, sidaana wuxuu xeerku ugu gudbayaa golaha guurtida, wuu nagu soo noqon, hadana madaxweynaha qaranka ayuu u tagayaa .... waxan rajaynayaa in uu Alle dalka uga dhigo kii uu kaga bixi lahaa buuqii uu ku jiray ee siyaasada" sida waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman, ayaa isna sheegay in goluhu uu fuliyay qaraarkii maxkamada ee odhanayay "Waa in goluhu xeer ka waafiya amarka maxkamada", waxaanu sheegay in goluhu gutay waajibkiisa.

"Qodob ayaa la socday oo ahaa in golayaashu ay xeer waafajiyaan, waxa Alle mahadii ah in aanu iswaafajinay oo aanu qaadanay go'aankii maxkamada, goluhuna uu ka gutay waajibaad kiisii sharci" ayuu yidhi Xildhibaan Sulaymaan.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Muxumed oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Kulmiye, ayaa dhankiisa sheegay in xildhibaannada mooshiinka wax ka badalka xeerka keenay ay ka yaraayeen tirradii sharciga ahayd, isla markaana shirguddoonku sharci jabin sameeyay.

Sharcigan cusub ayaa mari doona Golaha Guurtida Somaliland, oo iyaguna u codayn doona, kadibna wuxuu kusoo noqon doonaa golaha wakiilada mar kale, intaa ka dibna madaxweynaha ayuu hortagi doonaa hadii uu soo gudbo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]