Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - In ka badan 30 dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
newsinsideHowlgalkan oo dhacay abaare labadii habeenimo ee xalay, ayaa la sheegay inay ciidanka milatarigu sii hayeen xogta Alshabaab. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Alshabaab jab xoog leh lagu gaarsiiyay howlgalka.
Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka waa goob muhiim u ahaa marinka Shabaabka isaga kala gudbi jiray deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo ciiddanka macaawisleyda oo iskaashanaya ay la galeen Alshabaab waxaa lagu dilay in ka badan 150 Shabaab ah, sida dowladdu sheegtay.