4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta, kaddib wadahadal madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Adduunka ku dhexmaray magaalada Washing DC.

War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Mr. David R. Malpass, oo ah Guddoomiyaha Bangiga Adduunka ee Xarunta Bankiga ee Washington, DC.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in la waafajiyo mashaariicda horumarineed iyo kuwa mudnaanta leh.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay agaasimayaasha sare ee kooxda Bankiga Adduunka, iyagoo ka wada hadlay sidii Bankigu u sii wadi lahaa taageerada dib-u-habaynta hay’adaha dhaqaalaha dalka, kuwaas oo kobciya dhaqaalaha iyo xasilloonida danta dadkeenna.

Sanadkii 2020, IMF iyo World waxay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay u qalanto in laga cafiyo deymaha ka dib markii ay dowladdu buuxisay halbeegyada ugu waawayn ee hannaanka daynta cafinta Soomaaliya.

Soomaaliya waa waddankii 37-aad ee heerkan gaaray, waxaana loo yaqaan barta go'aanka HIPC.

Ilaa hadda, in ka badan 37 waddan oo HIPC ah, oo ay ku jirto Soomaaliya, ayaa gaaray qodobbada go'aan gaarista daynta cafinta, kuwaas oo 36 ka mid ah ay gaareen heer gabagabo ah.