4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Xisbiga Waddani oo iska diwaangalin doona xarunta guddida diwaangalinta urrurada
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay iska diwaangalinayaan xarunta Guddida Diwaangalinta Urrurada, si lamid ah urrurada cusub.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo waraysi siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay in ay sharci tahay in 10-kii sannoba mar dib loo diwaangaliyo urruro cusub, isla markaana ayna furista urrurada kasoo horjeedin.

"Nidaamka urruradu, waa nidaam sax ah oo sharci ah, 10-kii sanno in mar doorashadaas la galo, arrin khilaafi ah na maaha, oo sida loo sawirayo arrin laysku haysto maaha, waxa laysku haystaa, doorashooyinku habkee ayay usoo kala horaynayaan" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in sidii madaxweynaha Somaliland sheegay in xisbiyada hada joogaa ay dabayaaqada bisha  iska diwaangalin doonaan xarunta guddida diwaangalinta urrurada, isla markaana ay si lamid ah urrurada cusub is xaadirin doonaan.

"Anagu xisbi ahaan waan la shaqaynaynaa guddida diwaangalinta, wixii nagu xidhan ee sharci ah ee ay nooga baahanyihiina waanu fulinaynaa" ayuu yidhi Khadar.

Xogeeyuhu waxa uu sheegay in isdiwaangalintoodu ayna ka turjumayn in ay ka noqdeen fikirkoodii ay doorasho madaxweyne ku doonayeen, oo ay wali aaminsanyihiin in doorashada madaxweynuhu ay soo horayso.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay sii wadayaan bannaanbaxyo nabadgalyo ah "Anagu markasta waxaanu doonaynaa mudaharaad nabada, dadku dareenkooda ay cabiraan".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]