4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Puntland oo si adag uga hortimid qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya
 

Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa hor yimid  qandaraaska bixinta shidaalka Soomaaliya, iyadoo ku sifaysay tallaabada dowladda federalka guddi gaar ah ugu magacowday shidaalka mid sharci darro ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa looga digay halis badan oo ka imaan karta isku dayo baalmarsan gabi ahaanba dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya, sida ay Puntland sheegtay

Puntland waxay ku eedeysay  dawladda Faderaalka inay  doonayso hannaan aan sax ahayn in loo maro saami qeybsiga Kheyraadka shidaalka Soomaaliya.