4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Somaliland: Ardayad isku dishay imtaxaan ay dhacday darteed
 

Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Gabadh ardayad ah ayaa isku daldashay xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa kadib markii ay dhacday imtaxaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland oo maanta lagu dhawaaqay.

Gabadh jaar la ahayd qoyska ardayadu ka dhimatay oo gabadha yar aqoon fiican u lahayd, ayaa Bulsho TV u sheegtay in gabadha yari is dishay kadib markii ay xamili wayday guuldarada ay kala kulantay imtaxaanka shahaadiga ah.

"Madaama imtaxaankii la yeedhiyay way uqaadan wayday, anaguna waxaan u qaadan waynay, way dhimatay ama way is dishay, waayo gabadha dadaalka ku jiray, muta-edebnimadeeda" ayay tidhi.

Waxay sheegtay in ay ahayd gabadh aad u dadaal badan oo akhlaaqada wanaagsan ku suntanayd, sidaa darteedna markii ay imtaxaankii dhacday iyada oo dadaal bixisay  ay u dul qaadan wayday sidaana ay is ku dishay.

Waxa la sheegay in gabadha is dishay ay kasoo jeeday qoys danyar ah, waxaana soo korisay oo soo gacan qabatay hooyadeed oo u shaqayn jirtay qoys kooda. Warbaahinta waraysiga qaaday sooma gudbin gabadha magaceeda iyo da'adeeda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]