4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Afmadoow
 

Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Xarboole iyo Miido oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi dagaalo xoogan ay ku dhexmareen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaal ka tiraan Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ayaa yimid kadib markii ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanadaasi.

Waxaa la soo wariyay in dagaalada ka dhacay deegaanada Xarboole iyo Miido ay ahayeen kuwa aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Deegaanada lagu dagaamalay ayaa wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo waxay sheegayaan in haatan ay ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland, hayeeshee ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dirirta dhexmartay oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.

Weerarkaan ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay mudooyinkii dambe ay weeraro ku qaadayeen Saldhigyada ciidamada Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka maamulka Jubbaland.