4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Maraykanka u ambo baxay
 

Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayay madaxtooyadu sheegtay inay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa  in ka badan 10 safar dalka dibaddiisa ku tagay, hase ahaatee safarkan waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagayo dalka Maraykanka.