4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Nabadoon Xuseen Xaayow oo lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho
 

Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa gabal dhacii Maanta ku toogtay degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir Allah u naxariiste Nabadoon Xuseen Xaayow Xalane oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqiinay magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste dilka Nabadoon Xuseen Xaayoow Xalane ayaa la sheegay iney fuliyeen rag dhalinyaro ahaa, kuwaas oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumka.

Lama oga cida ka dambeysa dilka Nabadoonka, hayeeshee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dilka Nabadoon Xuseen Xaayoow lala xariirinaayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo beegsi ku haayo Nabadoonada iyo waxgaradka beelaha dagaalada kula jira, si gaar ah beelaha Xawaadle iyo Habargidir oo gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka wada dagaalo ka dhan Al-shabaab.

Waxaa horay magaalada Muqdisho loogu dilay Nabadoono kasoo kala jeeda Beelaha Habargidir iyo Xawaadle, kuwaas oo masuuliyada dilalkooda ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.