4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Maamul goboleedyada dalka oo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay fasaxdo lacagaha loogu talo galay abaaraha
 

Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamul goboleedyada dalka oo Maanta shir ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si deg deg ah u fasaxdo lacagaha loogu talo galay abaaraha.

Wasiiradda oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ku shiraayay magaalada Baydhabo waxay hay’adaha gargaarka ka dalbadeen inay si dhow ula shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka, waxayna ku  ku heshiiyeen wasiiradda in bishiiba ay mar isu yimaadaan kulan noocaan oo kale ah, iyagoo kulankooda xiga ku balamay in lagu qabto magaalada Garowe ee xarinta maamulka Puntland 16-ka bishaan Oktoober.

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiiradaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maamul goboleedyada ayaa waxay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo loogu talagalay gargaarka bini’aadantinimo taasi oo ay hore u bixisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka Wasiiradaha baaq loogu diray hay'addaha gargaarka ee Caalamiga ah iney si gaar ah u eegaan meelaha ay adag tahay in la gaarsiiyo caawinaada oo ay ku dhibaateysan yihiin dadka Soomaaliyeed.