4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed ka socda Galgaduud
 

Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay laba Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya deegaanka Laanqaylo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka Laanqaylo iney u istaagaan sidii ay u joojin lahayeen colaada u dhaxeysa labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaankaasi.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalka  ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dagaalkii ku dhexmaray labadaan Maleeshiyo beeleed deegaanka Laanqaylo oo 8 KM u jira degmada Xeraale ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dagaalkoodu uu salka ku haya lahaanshaha dhul ku yaala deegaankaasi.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay isku dagaalaan khilaafaad ka dhasha lahaanshaha dhulka iyo daaqsinka Xoolaha, taasoo sababta in khilaafaadkaas uu isku badalo gacan ka hadal dagaal oo sababa in beelaha dagaalama ay soo kala gaarto dhibaatooyin la xariira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya:-