4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay madaxweynaha Kenya


Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya iyo xaaladda amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in ay si degdeg ah ula socon doonaan dhaqan gelinta guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

“Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Miraa iyo kalluunka waxayna fududayn doontaa isu socodka labadayada qaran,” ayuu yiri William Ruto.

Guddigan ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii bishii August ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo horseeday in dib loo billaabo ganacsigii Qaadka Miirowga ee labada sano hakadka ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ahaa wafuud caalami ah oo ka qeyb galay xafladda dhaarinta madaxweynaha Kenya William Ruto.

Maalmo ka hor madaxweynaha Kenya oo la kulmay ganacsatada Qaadka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya kala hadlidoono arrimahan, si loo fududeeyo loona kordhiyo ganacsiga Qaadka.