4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Qaramada Midoobay: 513,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa halis ugu jiraan inay dhintaan
 

Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Heerarka masiibada gaajada Soomaaliya ayaa keentay in ka badan 513,000 oo carruur ah ay halis ugu jiraan inay dhintaan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dhimashada abaarta la xiriirta ay aad uga badan karto dhulka miyiga ah ee ay adag tahay in la gaaro, marka la barbar dhigo tirada laga diiwaan geliyay xeryaha qoysaska soo barakacay ee gudaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay Intii lagu jiray macluushii 2011, 340,000 oo carruur ah inay saameysay nafaqo-xumo ba'an, halka maanta 513,000," oo carruur ah ay saameysay nafaqo darrradu sida uu sheegay afhayeenka UNICEF.

"Bulshooyinka xoola-dhaqatada ah waxay hadda daawanayaan xoolahooda oo u bakhtiyay sida duqsiga", ayuu yiri Etienne Peterschmitt, Wakiilka FAO ee Soomaaliya."

Bishii Juun, hay'adda UNICEF waxa ay sheegtay in 386,000 oo carruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso lix ilaa 59 bilood ay u baahan yihiin in laga daweeyo nafaqo-xumo ba'an. “Taasi waxay korodhay (maanta) in ka badan nus milyan, ilaa 513,000; ayaa kor u kacay 33 boqolkiiba. Waxay la macno tahay 127,000 oo caruur oo kale inay halis ugu jiraan geeri.