4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday Wakiiladda Beesha Caalamka u Fadhiya Soomaaliya
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Safiirada Beesha Caalamka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana labada dhinac kulankooda ay diiradda ku saareen xoojinta howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab wax ka qabashada xaalada dadka ay abaartu saamaysay iyo daadejinta adeegyada dowladda.

Wafdiga Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen soo dhaweynta uu ugu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyagoona balan qaaday inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka mid deegaanada ugu daran ee xiligaan ay ka jiraan abaaraha saameyay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhankiisa Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo dalbaday Wakiilada Beesha Caalamka in Soomaaliya xiligaan laga taageero la dagaalanka Al-Shabaab iyo wax ka qabashada abaaraha daran ee ka jira guud ahaan dalka.

Wafdigaan ka socday Safiirada Beesha Caalamka ee u fadhiya Soomaaliya, islamarkaana uu Hoggaaminaayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa la filaya in sidaan oo kale ay booqasho ku tagi doonaan xarumaha maamul goboleedyada kale ee dalka, sida Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.