4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Wasiiradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo gaaray heshiis ku saabsan arrimaha maaliyadda
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Wasiiradda maaliyadda dowlad federalka iyo dowlad goboleedyadaayaa ayaa heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho, kaasoo lagusoo afjarayay khilaafkii dhawaan ka dhashay qeybsiga deeqaha dhaqaale ee Soomaaliya dibadda uga yimaada.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inaan la siyaasadayn arrimaha maaliyadda iyo sharuucda dayn cafinta Soomaaliya, lana dhiirri galiyo hufnaanta, maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyadu waxay isku raaceen in si siman loo qeybsado deeqaha dibadda ka yimaada ee loogu talo galay kabka miisaaniyadda Soomaaliya, arrintaas oo ahayd halkii uu markii hore ka yimid khilaafka labada dhinac.

Halkaan hoose ka akriso warsaxaafadeedka.