4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Ciidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ku burburiyay xarumo Al-shabaab ku lahayeen gobolka Sh/hoose
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan dhulka howdka ah ee ku yaala gobolka Sh/hoose.

Deegaanada ciidanka howlgalada ka sameeyeen ayaa ah deegaano u dhaxeeya Nambar 50 iyo Gandarshe oo ay Al-shabaab ku lahayeen fariisimo waa weyn iyo Maxkamado ay dadka qaar u garsoor doontaan.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee howlgaladaasi qorsheysan fuliyay ayaa sheegay iney burburiyeen fariisimihii ay Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah oo ay ka mid yihiin Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay kadib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Howlgalada ciidamadaan ay ka sameeyeen deegaanada u dhaxeeya Gandarshe iyo Nambar 50 ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay si weyn uga socday deegaano badan oo ku yaala gobolada Hiiraan, Galgaguud Baay iyo Bakool, waxaana howlgaladaasi qeyb weyn ka qaadanaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey.