4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar " Al Shabaab waxay ka faa'iidaysataa dadka nugul ee ay isleedahay siyaabo kala duwan ayaa lagu kasban karaa"
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal dhanka cirka ah ku gaaray gobolka Afdheer gaar ahaan degmada Ceelkari.

Madaxweynaha ayaa shacabka degmada Ceelkari meel fagaare ah kula hadlay, isagoo si gaar ah ugala hadlay shacabka Ceelkari inay had iyo jeer iska ilaaliyaan in kooxda Al Shabaab siyaabo kala duwan ugu soo gabadaan shacabka dhexdiisa.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka degmada Ceelkari u sheegay in kooxda Al Shabaab ay ka faa'iidaystaan dadka inta nugul ee jilicsan, kuwaas oo ay is yiraahdaan waad kasban kartaan, wuxuuna yiri Madaxweynuhu " Degmada Ceelkari waxay kamid tahay meelaha ay Al Shabaab xoogga saareen, Al Shabaab waxay ka faa'iidaysataa dadka nugul ee ay isleedahay siyaabo kala duwan ayaa lagu kasban karaa".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka degmada Ceelkari u sheegay in kooxda Al Shabaab haddii ay degmada Ceelkari soo galaan aysan helaynin xorriyadda ay maanta haystaan, waxa uuna yiri " Kooxda Al Shabaab haddii maanta uu u hirgalo hadafkoodu oo ay gudaheena soo gasho xorriyad badan oo aad maanta haysataan barri ma haysanaysaan, dad Muslim ah baynu nahay awow ka awow markaa in jahliga laga faa'iidaysan ama duruuf dhaqaale oo jirta oo lacago lasoo diro aan dhalinyarta looga faa'iidaysan ayaan idin kula dardaarmayaa".

Dhinaca kale Madaxweyne Mustafe cagjar waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumaddiisu ay qorshe u qaadatay in Al Shabaab lagu sifeeyo, taana ay xukuumadda ku garab istaagaan Shacabka iyo Odayaasha degmada Ceelkari, sidoo kalena ay ka  dhiidhiyaan oo ay diidaan in kooxda Al Shabaab ay bartilmaameed ka dhigato degmada Ceelkari oo inta badan ay hadal hayso kooxda Al Shabaab.

Degmada Ceelkari oo ah degmo inta badan aad uga dambaysa degaanka intiisa kale oo ay ka liidata dhinaca adeegyada aasaasiga iyo horumarka, Madaxweynuhu waxa uu xusay in loo baahan yahay in wax badan oo dhanka hormarka ah laga qabto degmadan si ay usoo gaarto degaanka intiisa kale.

Balse waxa uu xusay Madaxweynuhu in kooxda Al Shabaab ay rabto in degmadani ay noqoto goob colaadeed oo dowladdu iyo hay'aduhu imaan kari waayaan, halka ay maanta joogto degmada Ceelkarina ay kasii hooseyso.

Madaxweynaha ayaa gabagabada hadalkiisa waxa uu shacabka usoo jeediyay in Xukuumadda iyo Shacabku gacmaha is qabsadaan oo ay mid noqdaan, si aysan u hirgalin qorshayaasha iyo hadafka kooxda Al Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay socdaal ku marayeen gobollada xiga dhanka xuduudda uu degaanka Soomaalidu la wadaago dalka Soomaaliya, halkaas oo uu ukuurgalayay xaaladda amni ee gobolladaas iyo siday tahay nolosha dadka ku dhaqan degmooyinka dhaca dhinaca xuduudda dowlad degaanka Soomaalida iyo dalka Soomaaliya.